War Cusub: Abiy Axmed & Wufuuda Aqoonsigu Hotel-kay Degi-lahaayeen oo Hargeysa laga Furay

Hargeysa GNN)-Huteelka Royal Palace ee Galbeedka caasimada hargaysa ayaa dib uhabayn Iyo Casriyay lagu sameeyay kaasi oo habeenkii xalay xadhiga laga jaray.

 

Munaasibada xadhiga lagaga jarayay Huteelka Royal Palace oo ay la wareegtay shirkada Kulmiye Sanjab Group ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha wakiilada, wasiirka xidhiidhka golayaasha musharaxa madaxwayne kuxigeen ee xisbiga waddani, agaasimaha guud ee xidhiidhka golayaasha iyo masuuliyiin kale.

Ugu Horayna waxaa munaasibada lagu shaacinayay dib ucasriyayta lagu sameeyay huteelkan ka hadlay Maamulaha guud ee kulmiye sanjab group cali Ibraahim Geele oo sharaxaad ka bixiyay adeegyada cusub ee ay usoo kordhiyeen shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale masuuliyiintii ka hadlay munaasibadan ayaa uhambalyeeyay maamulka cusub ee huteelka royal palace oo dhaqaale balaadhan galiyay iyagoo sheegay in ay taageero la garab taagan yihiin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;