Xildhibaanada Somaliland Oo Dood Xasaasiya Ka Yeeshay Heshiiska Itoobiya ~ Qaybta 1aad

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dood xasaasiya ka yeeshay faa’idada iyo khasaaraha Heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Doodda Oo xalay fiidkii ku qabsoontay Golaha Twitter Space oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda warbaahinta Somaliland Chronicle, waxa ay dhexmartay Xildhibaan Maxamed Xuseen (Ranbo), Xildhibaan Cabdilaahi Maxamuud, Xildhibaan Maxamed Abiib, Xildhibaan Khadar Cali-hakin iyo Xildhibaan Mustafe Kheyre.