Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo hadhimo-sharafeed ku maamuusay mujaahid Ibraahim Caydiid.

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hormuud u yahay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay guddoomiyaha ururka difaaca qarannimada jamhuuriyadda Somaliland ee Sutigaashaan, mudane Ibraahim Caydiid oo dhawaan dalka kusoo laabtay.

Munaasibadda hadhimada oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo saraakiil kale oo ka socotay ururka Sutigaashaan, ayaa si weyn loogaga mahanaqay guddoomiye Ibraahim Caydiid oo kaalin muuqata kaga jira difaaca qarannimada iyo deedafeynta wax kasta oo ka dhan ah dawladnimada iyo wada-jirka ummadda jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha ururka Sutigaashaan, mudane Ibraahim Caydiid, ayaa dhankiisa si weyn hoggaanka xisbiga KULMIYE ugaga mahadceliyey casuumadda ay ku maamuuseen, waxana uu tilmaamay inay kulamada noocan ahi dhiirrigelin u yihiin hawlaha difaaca qaranka ee uu hayo.

Hadhimo-sharafeedda waxa guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ku wehelinayey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka horumarinta Biyaha, mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, ahna murashaxa madaxweyne-ku-xigeen, ahna wasiirka ganacsiga, mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin , wasiirka Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha, ahna Afhayeenka xisbiga KULMIYE, mudane Cabdinaasir Maxamed Xasan Buuni. Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Mudane Siciid Axmed Jibriil