Oslo (GNN)- Magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway waxa toddobaadkan ku qabsoomay Kulan muhiim ah Oo dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay sii xoojinta Xidhiidhka iyo danaha labada waddan.
Kulankan ayaa dhexmaray Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan iyo Safiirka Ethiopia Dowladda Federaalka Ethiopia u fadhiya Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo safar shaqo ku jooga dalka Norway oo aanay Ethiopia wax safaarad ah ku lahayn marka laga reebo Qunsuliyad qaabilsan Isu-socodka labada waddan iyo adeegyada muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool Norway.