Warbaahin Caalamiya Oo Warbixin Ka Qortay Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Itoobiya!

Warbaahin Caalamiya Oo Warbixin Ka Qortay Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Itoobiya!

Shabakada Wararka ee Maritime executive ayaa warbixin dheer ka qortay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, waxayna shabakadu sheegtay in Saldhigga ciidan ee Itoobiya ku yeellan doonto biyaha bada cas uu xaddidi doono dhibaatooyinka caalamka kaga yimaada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Warbixintan oo ay soo Turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa u dhignayd sidan

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa aaminsan in saldhiga mustaqbalka ee ciidamada badda Itoobiya ay ku yeelanayaan xeebta Somaliland uu noqon doona kii u horreeyay ee Itoobiya ay yeelato, kaas oo wax weyn ka beddeli doona ammaanka badda gacanka Cadmeed, oo ah goobta ay caqabada ku yihiin budhcad badeeda Soomaalida iyo weerarada Jabhadda Xuutiyiinta Yemen.

Warbixintan ayaa tilmaantay in Somaliland iyo Itoobiya ay 1-dii bishii January ee sannadkan kala saxeexdeen heshiis Itoobiya fursad u siinaya inay kaalin ku yeelato badda cas halka taas beddelkeeda ay Itoobiya aqoonsan doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiisku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha Somaliland ku doonayso inay beesha caalamka ku kasbato ayay warbixintu tidhi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa ku sifeeyay in saldhiga ciidammada badda ee Itoobiya ay ku yeellan doonaan xeebaha Somaliland uu yahay horumar wanaagsan oo loo qaaday dhinaca ammaanka baddaha ee gobolka oo ay muddo dheer caqabad ku ahaayeen falal-dambiyeedyo ka dhacay.

Xigasho/Somaliland News Agency