Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare oo Kormeer ku Maray Jaamacadaha iyo Gobollada Bari  

Hargeysa (GNN)- Agaasimaha Guud ee Guddiga Tacliinta Sare Ilyaas Faarax Xasan iyo Wefti uu Hogaaminayo, ayaa kormeer laba maalmood qaatay ku tagay gobollada Togdheer iyo Saaxil, waxaanu kulamo la yeeshay madaxda Jaamacadaha qaarkood iyo Xafiisyada Guddiga Heer Qaran ee Tacliinta Sare.

Kormeerka oo ujeeddadiisu ahayd mid uu Agaasimuhu ku dar-dargelinayo hawlaha uu Qaranka u hayo komishanka tacliinta Sare oo madaxweynuhu dhawaan u magacaabay, waxa uu Agaasimaha Guud kulamo la qaatay isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta Komishanka Tacliinta Sare ee Gobollada Bari ee dalka.

Agaasimaha Guud oo shalay gaadhay Magaalada Burco, ayaa warbixinno uu ka dhegaystay Saraakiisha Guddiga Tacliinta Sare ee Burco kaddib, waxa uu dhinaciisa la wadaagay qorsheyaal hor leh oo lagu dar-dargelinayo hawlaha ay Guddi ahaan qaranka ugu xil-saaran yihiin.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud iyo Xubnaha Guddiga ee socdaalka ku wehelinayey waxa ay kulamo la yeesheen Madaxda Jaamacadaha ka hawlgala magaalada Burco, kuwaas oo is-xog-waraysi kaddib isla qaateen sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa isla markaana loo dabbaqi lahaa qorsheyaasha qaranka ee tayaynta tacliinta Sare ee dalka maadaama Jaamacadaha dalku yihiin muraayadda Aqooneed ee dalka.

Dhankooda, Madaxda Jaamacadaha Magaalada Burco ayaa soo dhaweeyay qorsheyaasha shaqo ee Agaasimuhu ku dar-dargelinayo masuuliyadda shaqo ee Gudiga Tacliinta Sare, waxanay uga mahad-celiyeen socdaalka dar-dargelinta iyo isbarashada ee uu ugu tagay Jaamacadaha Burco xilli uu agaasimuhu shaqada ku Cusub yahay.

Sidoo kale weftiga Agaasimaha Tacliinta Sare, waxa ay kormeer Indho-indhayn ah ku mareen Jaamacadda Dowladda ee Magaalada Burco, halkaas oo masuuliyiinta jaamacadda kula qaateen kulan dar-dargelin shaqo iyo isbarasho ah.

Weftiga Guddiga Tacliinta Sare waxa u soo kicitimeen dhinaca Gobolka Saaxil, waxaanay kormeer ku galaa-bixiyeen Jaamacadda Culuumta Xoolaha Iyo Beeraha ee Magaalada Sheekh halkaas oo kormeer ay ku Indho-indheeyeen Qaybaha kala duwan ee Jaamacadda kaddib kulan isbarasho iyo dar-dargelin shaqo ah ku dhexmaray maamulka Jaamacadda.

Kormeerkan Agaasime Ilyaas ayaa ah mid uu ku soo mari doona hadii Alle Idmo Xafiisyada Gudiga Tacliinta Sare ku leeyahay Gobolada Iyo Dhamaan Jaamacadaha ka Hawlgala Jamhuuriyada Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Komishanka Qaran ee Tacliinta Sare Ilyaas Faarax Xasan, ayaa xilka la wareegay 3-dii bishan June, 2024 kaddib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday agaasimihii hore ee hay’addaas Ibraahim Amiin Gadiid oo xilkan soo hayey laga soo bilaabo 17-kii October, 2021-kii.