Ethiopia Oo Go’aankii Ugu Saxsanaa Ku Tilmaantay Aqoonsiga Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha ee Ethiopia Mr Tarekegn Bululta ayaa go’aan sax ah ku tilmaamay in dawladiisu aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul dawlaha wershadaha Itoobiya wuxuu ugu horayn u mahadnaqay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shacabka labadaasi dalba heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhawaan dhex maray.

Wasiirul-dawlaha Wershadaha Ethiopia Mr Tarekegn Bululta oo qoraal kooban ku baahiyey barta X ee hore loo odhan jiray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in riyadii Itoobiya ee ahayd inay dhab noqoto inay marin-badeed hesho.

Waxa kale oo Wasiirul dawluhu caddeeyay in go’aanka ay dawladiisu ku qaaday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa go’aan sax ah.

Exit mobile version