Ujeeddada Safarka Raysal-wasaaraha Ethiopia Oo gaadhay Dalka Sudan

Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed, ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagay magaalada Port Sudan, sida aanu ka soo xigannay Xafiiska raysal-wasaaraha Ethiopia.

Dowladda milateriga ee dalka Sudan iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa ka guuray caasimadda Khartuum, waxaanay xafiisyadooda u rareen magaalada xeebta ku taalla ee Port Sudan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska raysal-wasaaraha ayaa lagu Sheegay ujeeddada socdaalka Abiy Ahmed u tagay Sudan, kaas oo lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay dedaalo uu Abiy Ahmed kaga qayb-qaadanayo xasilinta xiisadda colaadeed ee ka taagan Sudan.

Raysal-wasaaraha Ethiopia oo Khamiistii toddobaadkii hore hadal ka jeediyey baarlamaanka dalkaas, ayaa Sheegay inay si dhex-dhexaad ah uga qayb-qaadanayaan dib u heshiisiinta dhinacyada ku dagaalamaya dalka Ethiopia