War Deg Dega- Canfarta Dalka itoobiya oo Jidka Ku Dilay 3 Nin oo Ka Soo Jeeda Somaliland Kana Mid Ahaa Ganacsatada DDS.

Jigjiga(GNN):-Alle haw Naxariistee Waxaa hadda Wararka naga soo gaadhaya dalka ethiopia xaqiijiyeen geerida 3 nin oo soomaali ah kana soo jeeda somaliland oo ay caftarta bilhii u danbeeyey dagaalka ka waday dalka ethiopia ay ku dileen jida deegaanka awaas oo ay u galeen.

xogaha warkan ayaa sheegaya in la gawracay alle haw naxariistee Ganacsade Khadar Cilmi  Cige Seed iyo Laba Ragg ah oo aanan helin wali magacyadooda.

ragan ay sida bahalnimada ah u laayeen canfartu ayaa ahaa rag socoto ah kuna safrayey jidka u dhexeeya deegaankaasi oo u socoday addisababa.

alle haw Naxariisto dhammaan inta dhimatay sidoo kale waxaa la sheegay inay ka badbaadeen ilaa laba qof oo kale oo la socoday ragan la laayey oo iyaga meel lagu hayo.

La Soco Wixii Warar ah ee kasoo kordha arrintan.