Xukuumada Somaliland oo xisbiga Waddani ku eedaysay faafin warar been abuur ah.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Qorshaynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu xaqiro wax qabadka xukuumada, isla markaana uu faafiyo warar aan sugnayn.
Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu xukuumada ka faafiyay beeno uu ku sheegay in xukuumadu ay magaalada Boorama u aqoonsatay meel aan nabad ahayn.

Sidookale waxa uu sheegay Waddani iyo dowlada Soomaaliya wakhti isku mid ah ka wada hadleen, shir ay hay’addi soo qabanqaabisay oo ka dhici lahaa Boorama oo  la joojiyay, madaama sida uu sheegay shirka lagu casuumay dad aan reer Somaliland ahayn oo aan fasax haysan.

“Waxan dhagaystay musharaxa madaxweyne ku xigeenka Waddani oo leh xukuumadu waxay sheegtay in Boorama anay nabad ahayn, waxa kale oo aan arkay dowlada Xamar oo iyaduna lahayd hay’add ayaa la diiday, waxan is idhi maxa labada war isku beegay” Ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Waxa uu ku eedeeyay xisbiga Waddani in uu caadaystay in uu qariyo wax qabadka xukuumada Kulmiye, isla markaana uu ku olloleeyo in uu niyad jabiyo dhallinyarada oo uu si taban wax ugu sheeego.

Exit mobile version