Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Rugcadaaga Gobolka Gabiley Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Rugcadaaga Gobolka Gabiley Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
……………………………………………………………

Gabiley(GNN):- Waxaa Maalmaha soosocoda La Filayaa inay u digo rogtaan Siyaasi iyo holdoor Miisaan Culus ku leh gobolka gabiley oo uu hogaaminayo siyaasi shacayb Maxamed Muuse Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Siyaasi Shacayb Maxamed Muuse Oo Xilal Kala Duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee somaliland islamarkaana ku suntanaa maayiradii ugu waxqabadka badnaa gobolka gabiley soo maray ayaa hadda wararku xaqiijiyeen in siyaasiyiin iyo Aqoon yahan uu hogaaminayaa ay si rasmiya ugu biirayaan xisbiga Waddani.
Waxaana shaaciyey warkan Siyaasi Cabdi Cali oo kamid ahaa masuuliyiintii wasaarada hawlaha guud u qaabilsanaa gobolka gabiley oo iska casilay xilkaasi kana mid ah xubnaha ku biiri doona xisbiga Waddani.
Shucayb Maxamed Muuse ayaa La Xasuustaa intii danbe inuu xooga aad u saaray waxsoosaarka beeraha iyo beero falashada isagoo tacab badan galiyey beero kala duwan oo ay kasoo go’een dalagyo kala duwani.
La Soco Warka Ku Biirista Masuuliyiintan Xisbiga Waddani.