Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa sheegay in xogta socdaalka weftiga madaxweynuhu ku tagay Imaaraadka Carabta, loo maareynayo qoddobada xasaasiga ah ee diblomaasiyadda iyo xoojinta masaalixda Somaliland awgeed.
Afhayeenku wuxuu sidaas ku sheegay farriin kooban oo uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo wakaaladda wararka ee SOLNA.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu tilmaamay in kor loo qaadayo natiijooyinka istaraatijiga ah ee ku dhasha hawgallada sare ee cilaaqaadka diblomaasiyadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii la doortay uu ku joogo Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu wadahadallo heerkoodu sareeyo kula yeellanayo madaxda sare ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta.