Wadadii Bali Gubadle Ayaa Maanta la Bilaabay

Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ee RDA ayaa maanta shaqaalaha, Gaadiidka iyo Macaddaad badan u dirtay Dhismaha Jidka Hargeysa-Balli-gubadle oo sida qorshu yahay dhawaan Bilaabmi doona.

 

Sida uu Qorsheeyey, dhawaanna uu shaaciyay Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Mawliid Nuux Ibraahim, dhismaha Jidkan oo ku jira qorshaha 100-ka maalmood ee xukuumadda cusub ayaa maanta gaadiidkii iyo shaqaalihii ka hawl gali lahaa jidkaasi si rasmi ah loo diray iyaga oo degi doona kaamka loogu tala-galay oo ku yaalla Deegaanka Gumburaha.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cismaan Ibraahim Nuur Afgaab, agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Gaadiidka ee Wakaaladda Horumarinta Waddoyinka Somaliland Khadar Cusmaan Budle, Agaasimaha maamulka iyo Xisaabaadka Wakaaladda Cabdiraxmaan Suldaan Saxardiid, Injineerro iyo masuuliyiin kale ayaa gaadiidka u galbiyey Jidka isku xidha Hargeysa iyo Balli-gubadle.

 

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahim ayaa Wakaaladda ku hogaaminayay muddooyinkii ugu dambeeyey sidii jidkaasi muhiimka ahi u bilaabmi lahaa.