Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo Kulan la Qaatay Jamciyaddaha Qur’aanka Kariimka ee Gobolka Awdal (Sawiro) .

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Jamciyaddaha Qur’aanka Kariimka ee Gobolka Awdal,Kulankan oo ka dhacay Magaalada Boorame ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday).

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Wasiirka iyo Jamciyadaha Qur’aanka Kariimka ee gobolka Awdal ay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa adeegyada diineed iyo horumarinta Qur’aanka Kariimka, waxaanu Wasiirku u mahadceliyey Jamciyaddaha iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay Jamciyaddahu u hayaan bulshada, isagoo sidoo kale dhiirigeliyay in la sii wado horumarinta iyo taageerida Barnaamijyada Diiniga ah ee ka socda Gobolka Awdal .

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa sidoo kale ku booriyay Jamciyadaha Qur’aanka Kariimka iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo ka shaqeynta horumarinta Barnaamijyada Diiniga ah .

Waxana Jamciyaddaha Wasiirku la Kulmay ay Kala Ahayeen .
1- Jamciyadda Hilaal
2- Jamciyadda Al-Huda
3- Jamciyada Jiil Al-Qur’aan
4- Jamciyadda Al-Ansaar
5- Jamciyadda Al-Qudus .

Alla Mahad leh

Exit mobile version