Wasiir Ku Talaabsaday Arrin Ku Dayasho Mudan Bulshada Wax Badan Taraysa.
Gabiley-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xassan Cabdi Madar ayaa ku talaabsatay arrin aad uga farxisay dadka deegaanka iyo madaxda kala duwan ee gobolka gabiley Kadib markii Wasiirku ay ugu Deeqday Jaamacada quraanka Al Cirfaan ee Magaalada arabsiyo iyo Laybareeriga magaalada gabiley iyo xafiisyo kale Qalab casri ah oo isugu jira koombuyuutaro iyo agab kale kuwaas oo bulshadu baahin weyn u qabeen.
Maamulka Gobolka gabiley oo uu ugu horeeyo Badhasaabka Gobolka Mr Bookh iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa wasiirka aad ugaga mahad celiyey talaabada ay ku dhaqaaqday oo aan ahayn wax haayad ama dawladu ugu deeqday ee ah wax ay marwo kaltuun jeebkeeda ka bixisay kuna dabooshay baahidaa dadka deegaanku u qabeen qalabkaa casriga ah.
Waxaa Xusid Mudan in Talaabadan ay Noqonayso Marwo katuun oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne C.raxmaan cirro Masuulkii ugu horeeyey durba dadka deegaankiisa ku celiya wax ay ku farxaan iyadoo xukuumadu joogtayba muda kooban.
Great Job Mudane Wasiir.