Budhcad badeed Soomaali ah oo afduubatay doonni laga leeyahay Yaman.

Doon kalluumaysi oo laga leeyahay Yaman ayaa lagu afduubtay meel u dhow xeebaha magaalada Eyl ee Puntland.

Sida ay sheegeen hawlgalka milatari ee ay hoggaamiyaan Midowga Yurub ee loo yaqaan EUNAVFOR ATALANTA, ee qaabilsan la dagaalanka budhcad badeedda iyo ilaalinta badqabka biyaha Geeska Afrika, dhacdadan ayaa dhacday 16 bishan March waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay inay tahay afduub budhcad badeed.

Doonta ayaa sida la sheegay waxa afduubtay toddoba nin oo budhcad badeed ah xagga ay hore u saarnaayeen sideed qof oo shaqaale Soomaali ahi.

“Dhacdadan ayaa baadhitaan lagu samaynayaa, waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyay inay tahay budhcad badeednimo”, sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hawl-galka ATALANTA ee Midowga Yurub.

Exit mobile version