Danjire Bashir Good Oo Soo Bandhigay Fashilka Qorshe Ka Dhan Ah Aqoonsiga Somaliland oo Somalia u Gudbisay Maraykanka

Washington (GNN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay Qorshe xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ku doonayso inay kaga hortagto Aqoonsiga Dowladda Maraykanka.

Xukuumadda Xasan Sheekh ayaa qoraalka ay u gudbisay dowladda Maraykanka ugu yaboohday isticmaalka dekedda Berbera, taas beddelkeedana ay xukuumadda madaxweyne Donald Trump ka laabato Qorshaha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka Woqooyiga qaaradda Amerika u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Danjire Bashiir Good, ayaa tallaabo faashil ah oo aan waxba ka beddeli doonin Aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay inay Somalia Maraykanka ku laaluushto isticmaalka iyo maamulka Dekedda Berbera oo aanay awood u lahayn maadaama oo ay ku taallo dhulka Somaliland.

Danjire Bashiir Good waxa uu sheegay inay Somaliland ku hawlan tahay inay Dowladda Maraykanka kala shaqayso dhammaystirka Qorshaha horumarinta danaha istiraatijiyadeed ee labada waddan ka leeyihiin Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Danjiruhu wuxuu soo bandhigay xaqiiqooyin sharci ahaan meesha ka saaraya isla markaana burinaya qorshaha ka dhanka ah Aqoonsiga Somaliland ee dowladda Somalia u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, isagoo soo daliishaday qodobbada sharci ee ku jira heshiiska iskaashi ee Maraykanka iyo Somaliland dhexmaray sannadkii 2023-kii, kaas oo xilligan horyaalla Aqalka Congresska Maraykanka.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN GUJI LINK-GA HOOSE

 

Danjire Bashir Good Oo Soo Bandhigay Fashilka Qorshe Ka Dhan Ah Aqoonsiga Somaliland oo Somalia u Gudbisay Maraykanka

 

Gabiley News Network

Hargeysa, Somaliland

 

Exit mobile version