AKHRISO:Nuxurka Kulankii Madaxweynaha JSL ee Uu La Qaatay Madaxda Sare Ee Xafiiska Rugta Ganacsiga Imaaraadka iyo Daah-furkii Xafiiska Rugta Ganacsiga Somaliland Ay Ku Yeelan Doonto Dubai.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  intaanu ka soo ambo bixin Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa uu booqday rugta ganacsiga ee Dubai oo ku taala magaalada Dubai, sidoo kalena madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxa fulinta ahna agaasimaha rugta ganacsiga Dubai iyo gudoomiyaha rugtaasi, waxay si wada jir ah u daah-fureen xafiis cusub oo ay Somaliland ku yeelan doonto Dubai una qaabilsanaan doona rugta ganacsiga oo ay Dubai  Ruqsadiisa Jamhuuriyadda Somaliland siisay iyadoo ka wakiil ah imaaraadka carabta.

waxaana madxweynaha Somaliland iyo weftigiisa sharaxaad ka siiyey sida ay u shaqeeyaan iyo hawlaha ay u qaabilsan yihiin Dubai, iyo imaaraadka Carabtaba madaxa fulinta ahna agaasimaha rugta ganacsiga Dubai, Mr. said Hamad Buamim iyo gudoomiyaha rugtaasi, Mr. Majid Saif Al Ghurair, waxaanay madaxweynaha Somaliland iyo weftiga si balaadhan ugu soo dhaweeyey xafiiskaasi.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi halkaasi kula hadlay saxaafadda caalamiga ah oo ku sugnayd isla goobtaasi isagoo sheegay madaxweynuhu in xafiiskaasi uu  muhiim u yahay labada shacbi ee Somaliland iyo Imaaraadka una sahlayso isu socodka arrimaha ganacsiga la xidhiidha, waxaanu xafiiskaasi ahaanaya mid ay maamulkiisa boqolkiiba boqol dawladda Somaliland leedahay.

Waxaana ka mid ahaa hadaladii madaxweynaha Somaliland “xafiiskan aynu maanta halkan ka furayno ee ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Dubai oo ah magaalo caalami ah oo aduunkoo dhamina isugu yimid, insha Allaahu waxay noqon doontaa bilow wanaagsan oo sii kordhisa iskaashigeena xaga dhaqaalaha iyo xaga horumarka, dadkayagu waa dad ganacsiga ku wanaagsan oo taalanti ku ah ilaa iyo qarannimadii hore, intii aanu joognay waxa aanu kala kulanay soo dhawayn wanaagsan iyo qadarin dhammaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalka Imaaraadka Carabta oo uu ugu horeeyo sheikh khaliifa, sheikh maxamed, ra’isal wasaaraha, ra’isal wasaare ku xigeenka mansuur, wasiiradii aanu la kulanay iyo madaxda rugta ganacsiga ee halkan nagu soo dhaweeyey saaka, magaca weftiga anigoo ku hadlaya aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa soo dhawayntaa iyo qadarintaa”.

Ugu danbayna Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey waxa ay soo gabagabeeyeen safarkoodii shaqo ee ay ku joogeen Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey garoonka ay ka dhoofaan madaxda caalamku, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan imaaraadka carabta oo halkaasi ku sii sagootiyey weftigii maalmaha kooban u joogay hawlaha shaqo isu-tagga imaaraadka carabta.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

  Maxamuud Warsame Jaamac             

Afhayeenka Madaxweynaha JSL