Saleban Xaglo-Toosiye Oo Warar Laga Baahiyay Ka Dib Shalay Kulan La Yeeshay Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Gnen)-Wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii hore Dr. Saleban Ciise Xaglo-toosiye oo ay warbaahinta qaar ka mid ah muddooyinkan dambe ka baahinayeen warar ku saabsan halka uu ku dambeeyay ayaa Hargeysa ku soo laabtay toddobaadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sida ay warar soo baxay sheegeen wuxuu shalay xafiiskiisa kula yeeshay kulan Saleban Xaglo-toosiye. Ma jiro wax war ah oo kulankaas ka soo baxay, laakiin wuxuu kulankani imanayaa iyadoo ay warbaahinta qaar ka mid ahi sheegtay inuu Mr. Xaglo-toosiye iibiyay gurigii uu ku lahaa magaalada Hargeysa, taas oo dhalisay su’aalo badan.

Xaglatoosiya ayaa ka mid ah masuuliyiinta ugu miisaanka culus gobalka Sool, waxaana kulanka laga yaabaa in madaxweynuu uu kala hadlay xaalada dagaal ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Wargayska Geeska