“Soomaalidu Haddaanay Cuneyn Hilib Doofaarka Waa In Ay Ka Baxaan Gobolkeyga.” Xildhibaan Steve King.

“Soomaalidu haddaanay cuneyn hilib Doofaarka waa in ay ka baxaan gobolkeyga…” sidan waxa yidhi xildhibaan ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo lagu magacaabo Steve King.
 
Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Lowa oo uu metalo ay qasacaddeeyaan (baakadeeyaan) hilibka Doofaarka bal se ay diidaan in ay cunnaan taasina khalad tahay – waa sida uu isagu aamisan yahee.
 
Steve King waxa uu sheegay in Soomaalidu aamisan tahay in cunista hilibka Doofaarka lagu gaaloobo oo naarta lagu galo, hase yeeshee dadka gaalada ah ay doonayaan in ay cunnaan si ay naarta u galaan. Waxaanu Soomaalida muslinka ah ee aan cunneyn hilibka Doofaarka ka dalbaday in ay ka tagaan gobolkaasi.
Xildhibaanka oo wareysi siiyey raadiye ku yaalla gobolkaasi waxa uu sheegay oo kale ““haddiiba aad aaminsan tihiin in cunista Hilib doofaarka naarta lagu galo, waxba hannoo baakadeynina ee naga taga, annaga ayaa kaligeen naarta galeyna”.