Wasaarada qorshynta qaranka iyo horumarinta ayaa shaqadii ka joojisay lix urur oo ka hawl gali jiray Somaliland, kuwaas oo ay fartay inay u hoogaan samaan ruqsad kala noqoshada dawlada shaqadana joojiyaan.
Hargeisa(GNN):-Waxaana ku saxeexnaa shaqo ka joojinta ururadan wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, waxaanay qoraalka wasaarada ka soo baxay uu u dhignaa sidan “ Wasaarada qorshaynta iyo horumarka qaranka markii ay u cadaatay in ururada hoos ku qoran ay baal mareen, nidaamka sharciyeed ee u yaala ururada samafalka aan dawliga ahayn, waxay baadhitaan kadib ay go’aansatay in laga bilaabo maanta oo ah Arbaca kuna taariikhaysan 4 bisha todobaad sanadka 2018-ka ay ruqsadii ay ku hawl galayeen ay kala noqotay ururada hoos ku qoran, isla markaasna ay ka joojisay dhamaan shaqooyinkii ay dalka ka wadeen.
1-Somaliland Lifeline Organization
2-Jub Foundation
3-Active In Development Aid
4-Somali Relief Development Action
5-Agency for Peace And Development
6-Himilo Organization for Development
Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay ku wargalinaysaa dhamaan cid kasta oo ay qusayso inay sidaas ula socdaan,isla markaasna ay fuliyaan wareegtadan
-Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay faraysaa dhamaan ururada shaqada laga joojiyay, isla markaasna lagala noqday ruqsada inay fuliyaan amarkaas, joojiyaana dhamaan shaqooyinkii ay wadeen.”