Madaxweyne Trump oo Ambassador Yamamato usoo magacaabay danjiraha Mareykanka ee Somalia

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa uu usoo magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u fariisan doona Soomaaliya.

Ambassador Yamamoto ayaa horey madax uga ahaa xafiiska Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ,waxa uuna ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Sanadihii 1997-dii ilaa 1998-dii ayuu danjire Yamamato ahaa safiirkii kumeel-gaarka ahaa ee Mareykanka u fadhiyay dalka Eritrea,isagoona weliba soo noqday safiirkii Mareykanka u fadhiyay Ethiopia intii u dhexeysay sanadihii 2006-2009-kii,isla Sidoo kale sanadihii 2000 ilaa 2003-dii ayuu danjire Yamamato Mareykanka ugu magacownaa Jabuuti.

Magacaabista safiirka cusub ee ay dowlada Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya,xili bishii September aynu soo dhaafnay uu shaqadii safiirnimo iska casilay Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz  kaasoo warqadiisa istiqaalada u gudbiyay madaxweynaha Mareykanka.