War Deg-Deg-Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Buuhoodle Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Sool(GNN):-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaasi oo intiisa badan laga maqlay magaalada. Sida ay Sheegayaan dad ku sugan gudaha Magaaladaasi.

Goobta Uu ka Dhacay Qaraxani Ayaa Lagu Sheegay Inay Tahay meel Ku Dhow Masjid Jaamaca Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay magaalada salaadii maqrib kadib, iyadoo lala begsaday gaari ay la socdeen siyaasiyiin.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidamain ah, waxaana lala begesaday baabuur ay saarnaayeen laba nin oo siyaasiyiin ah, kuwaas oo ka soo baxay masaajid oo ay ku soo cibaadeysteen.

Labada nin ee lagu dilay qaraxan ayaa lagu kala sheegay Cabdifataax Maxamed Cali oo hore ugu soo shaqeeyey dawladdii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Khaatumo.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaadhi gaar ahaan nooca loo yaqaanno Nohada sida ay ku warramayaan weriyayaal ku sugan magaaladaasi. Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha magaalada Khaatumo  Ahmed Maxamuud Doolaal ayaa la sheegay in uu qaraxani ku geeriyooday halka mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumaddiihii hore ee Soomaaliya ay wax ku noqdeen iyaguna.

Qaraxa kadib waxaa magaalada soo gaadhay ciidamada ammaanka, waxaa hakad galay isu socodkii dadka, ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana Badiba wadooyinka La wareegay Ciidamada Amaanka Oo Inta Badan Sugaya Amaanka,

magaalada Buuhoodle Ayaa kamida Gobolada Barri ee Somaliland taas oo Bilihii ugu danbeeyey Ay Kooxo Ku Abtirsada Maamulka Puthland falal kala duwan ka gaysanayeen.

La Soco Wararkan Iyo Wixii Kasoo Kordha Qaraxan. 

Gabiley News Network