Addis Ababa(GNN):-Kulan tan iyo 8dii Augosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimuqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa sida uu sheegay guddoomiyahooda cusub oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaa lagu go’aamiyey in xisbiga laga saaro xubno lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka.
Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, ka dib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.
Talaabadaas ayuu ku tilmaamay inay tahay go’aan siyaasadeed oo xisbigu ka qaatay dadkaas oo wax laga saarayo rabshidihii horraantii bishan ka dhacay deegaanno ka tirsan DDSI.
Waxaa shirka la fadhiyey madaxweynaha cusub ee DDSI, Axmed Cabdi Maxamed iyo xubnaha xisbiga.
Wuxuu kaloo intaa ku daray inay jirto talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “kuwaasoo ay hay’adaha dambi baaristu gacanta ku hayaan”.
Ma uusan sheegin magacyada xubnahaas laga saaray xisbiga.
Waxaa la filayaa in ay qaban qaabiyaan shirweyne ay isugu keeni doonaan “dadka deegaanka”, laakinse ma aysan sheegin goorta uu dhici doono, halka uu ka dhici doono, iyo cidda ka qayb galaysa toona.
Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.
Wararku waxay sheegayaan in ayaguna ay ka arrinsanayaan sidii meel loogu yeeli lahaa rabshadihii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd.
Dhanka kale Wararka naga soo gaadhaya deegaannada is maamulka Soomaalida waxay sheegayaan in shirar waaweyn ay ka dhacayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga oo ah halka ay shirarka ugu badan ka socdaan, dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo meelo kale.
Shirarkaas ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada haatan socda, waxaana dib ugu soo laabanaya deegaannadaas dadkii markii hore uga cararay khilaafaadka siyaasadeed iyo mabaadii’da ay aaminsanaayeen daraadood.
Halkan Ka Daawo- Gudoomiye Axmed Shide iyo Xubnaha Uu Ka Saaray Xisbiga DDSI.