Deg-Deg-Calanka Jamhuuriyada Somaliland Oo Si Rasmiya Looga Taagay Qasriga Boqortooyada Sucuudiga.

Hargeisa(GNN):- Calanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa laga taagay qasriga madaxtooyada boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah taleefishinada dalka Sacuudiga.

Calanka Somaliland ayaa kasoo muuqday xaflad uu boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdul Casiis u sameeyey qaar ka mid ah madaxdkii ka qeyb-gashay xajka sanadkan, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdriaxmaan Saylici.

Ka sokow calanka laga taagay qasriga, weriyaha taleefishinka Sacuudiga ee warka aqrinaya ayaa Saylici ugu yeedhay “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland”, taasi oo dad badan Soojeedisay, Soona Jiidatay Indha Beesha Caalamka.

Halkan Ka Daawo.
Calanka Somaliland Oo Ka Babanaya Madaxtooyada Boqortooyada Sucuudiga.