Somaliland Oo Dooneysa In Dawlada Sudan Ay Dhex Dhexaadiso Dalka Somaliya

Hargaysa(GNN) Wasiirka Wasaaradda arrimaha Debadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka waramay kulan uu Xafiiskiisa kula yeeshay wafti ka socda Jaamacadda Afrika oo uu hoggaaminayayey Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacaddaasi Kamaal Maxamed Cubaydi.

Wasiir Sacad oo ka waramaya waxay ka wada hadleen ayaa yidhi ” Waxaanu ka wada hadalnay bal sidii hoos loogu eegi lahaa ardaydaa dhibaatooyinka haysta sidii wax looga qaban lahaa khaasatan xaga socdaalka marka ay timaado iyo sidii wax-yaabo kaleba aynu u wada qabsan lahayn maaddaama aynu nahay laba wadan oo Taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan iyo dhinac walba iskaga xidhan oo isku dhaw , waxaan isla garanay bal in halkaa laga sii amba qaado sidii cilaaqaadka labada Dal iyo labada Dadba loo sii xoojin lahaa ..”

Dhanka Kale Wasiir Sacad ayaa sheegay inay kala hadleen weftiga reer Suudaan sidii ay qayb uga noqon lahayeen dhex-dhexaadiyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ” Suudaan waa wadan waayo aragnimo fara badan leh khaasatan marka ay timaado khilaafka xaga qoomiyadaha , markaa iyada lafteeda waxaanu isla soo qaadnay bal sidii Suudaan door uga qaadan lahayd, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya insha allaah .” Ayuu yidhi Sacad

GABILEY.NET