Talaado, October, 09, 2018 (GNN) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax , ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.
Safarka uu ku tagay Dhuusamareeb ayaa qayb ka ah socdaal uu sheegay inuu ku marayo dhulka Soomaalida, wuxuu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaannada Puntland, isagoo hadda ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo oo aheyd halkii laga qabtay.
Balse, sida u sheegay Cabdikariin Qalbi-Dhagax socdaalkiisa qayb kama aha magaalada Muqdisho inuu tago, wuxuuna ku sheegay wareysi uu bixiyay inaysan qorshaha ugu jirin.
GABILEY.NET