Somaliland waxay kulaalaysaa gacanka cadmeed iyo marin biyoodka mandab halkaas oo ah goob aad iyo aad u istaraatiiji ah
Marka hore mahad dhamaanteed waxay usugnaatay allah( swt)
Iyada ooay adagtahay in maqaal gaaban lagu soo koobo taariikhda faca wayn ee magaalada
Saylac waxaan in yar oo kooban oo aan rajaynayo inay noqoto kadinka ama irrida aynu ka galaynotaariikhda balaadhan ee magaaladan iyo xadaaradii ay soomartay .
Halkee ayey ku taal saylac
Saylac waxay ku taal waqooyi galbeed ee jamhuuriyada somaliland
Hadii aynu si kale u dhigno waxay ku taal xadka u dhexeeya jabuuti iyo

Taariikh hore
Laga soo bilaabo qarnigii 13aad horaantiisii ay samaysantay bortooyadii u horaysay ee islaam ah geeska afrika.
Taas oo la odhan jiray (shawa) waxaana aasaasay niman carab reer banii makhsuum ah kuwaa oo ka soo haajiray dhanka jasiirada carabta nimankaas oon hada wax raad ahi ka hadhin oon ka ahyn dad yar oo loo yaqaan (orgobaha ) in yar kadib waxaa dhalatay boqortooyadii (ifat/awfaat) taas oo qabsatay boqortooyadii kale ee shawa .
Sida taariikh yahanadu sheegayaan boqortooyada (ifat/awfaat) waxay ka talin jirtay dhulka loo yaqaan jabarti dhulakaas magaalooyinkiisa ay ugu caansanayd (magaalada saylac) waxa kale oo ay sheegaan aasaasihii boqortooyada(ifat/awfaat) inuu ahaa cumar walasmac ama cumar lashmac oo ahaa tafiirtii sheekh yuusuf al kownayn .
Boqortooyada(ifat/awfat) waxa lagu sheegaa tan ugu awooda badnayd uguna dhulka balaadhnayd marka loo eego todobadii boqortooyo ee geeska afrika
Marka hore mahad dhamaanteed waxay usugnaatay allah( swt)
Iyada ooay adagtahay in maqaal gaaban lagu soo koobo taariikhda faca wayn ee magaalada
Saylac waxaan in yar oo kooban oo aan rajaynayo inay noqoto kadinka ama irrida aynu ka galaynotaariikhda balaadhan ee magaaladan iyo xadaaradii ay soomartay .
Halkee ayey ku taal saylac
Saylac waxay ku taal waqooyi galbeed ee jamhuuriyada somaliland
Hadii aynu si kale u dhigno waxay ku taal xadka u dhexeeya jabuuti iyo
Somaliland waxay kulaalaysaa gacanka cadmeed iyo marin biyoodka mandab halkaas oo ah goob aad iyo aad u istaraatiiji ah
Taariikh hore
Laga soo bilaabo qarnigii 13aad horaantiisii ay samaysantay bortooyadii u horaysay ee islaam ah geeska afrika.
Taas oo la odhan jiray (shawa) waxaana aasaasay niman carab reer banii makhsuum ah ku waas oo ka soo haajiray dhanka jasiirada carabta nimankaas oon hada wax raad ahi ka hadhin oon ka ahyn dad yar oo loo yaqaan (orgobaha ) in yar kadib waxaa dhalatay boqortooyadii (ifat/awfaat) taas oo xoog kula wareegtay boqortooyadii kale ee shawa .
Sida taariikh yahanadu sheegayaan boqortooyada (ifat/awfaat) waxay ka talin jirtay dhulka loo yaqaan jabarti dhulakaas magaalooyinkiisa ay ugu caansanayd (magaalada saylac) waxa kale oo ay sheegaan aasaasihii boqortooyada(ifat/awfaat) inuu ahaa cumar walasmac ama cumar lashmac oo ahaa tafiirtii sheekh yuusuf al kownayn .
Boqortooyada(ifat/awfat) waxa lagu sheegaa tan ugu awooda badnayd uguna dhulka balaadhnayd marka loo eego todobadii boqortooyo ee geeska afrika
Saylac oo ah meelaha aduunka ugu qadiimsan Kuma soo koban qalin balse waxyarbaan idiinka iftiimatay maqaalka maanta
Hamse riiraash
GABILEY.NET