Hargeysa-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mundane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland.
Waxa iyana halkaasi ka hadlay Marwo Amaal, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Wasiirka Beeraha Somaliland, Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF waxaanay dhamaantood ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadista cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaamij weyn oo waxtar leh, waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi, waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland.
Wa bilaahi Tawfiiq