Wasiirka Maaliyada Oo Isku Shaandhayn Dareeno Kala Duwan Abuurtay Ku Sameeyay Wasaaradiisa,Iyo Doorka Agaasime Gurxan Ee Xulashada Xubnaha Cusub!

HARGAYSA(GNN):-“Faallo”-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta soo saaray wareegto uu isku badal iyo magacaabis oo uu ku sameeyay waaxaha wasaarada iyo maamulayaasha kastamada qaar Kamida.

Isku shaandhaynta kasoo baxday xafiiska wasiirka maaliyada ayaa dareeno kala duwan ka dhex abuurtay shaqaalaha wasaarada iyo bulshada sida dhow ula socota hawl maalmeedka wasaarada.

Sidoo kale dadka aqoonta durugsan uleh agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Ee dhawaan madaxwayne biixi u magacaabay Wasaarada maaliyada ayaa daboolka ka qaaday  xogo la xidhiidha in isku shaandhaynta door culus uu ku lahaa taas oo lagu sifeeyay dadka loo magacaabay xilalka gaasime waaxyada iyo badi maamulayaasha kastamada cusuba ay yihiin koox si gaara iskugu xidhnaayeen xiligii Wasiir Samaale  Ee isna uu ahaa Maamulaha kastamka berbera islamarkaana uu qorshahan uu soo maleegay agaasime gurxan ,

Agaasimey gurxan ayaa durba  wasaarada maaliyada isagoo wakhti Kooban  joogay ka dhex bilaabay kala qaybin iyo kooxaysi taasi oo dadka arimaha wasaarada maaliyada sida dhow ula socodaa sheegeen in ay halis ku keeni karto wada shaqaynta shaqaalaha waynaha wasaarada maaliyada iyo soo xaraynta odoraska miisaaniyada 2019.

Inta La Ogyahay wasiir sacad Cali Shire ayaa dhamaan wasaaradihii uu soo maray ee xukuumadii siilaanyo iyo tan muuse biixiba aan looga baran in uu ku deg dego isku badal agaasime waaxeedyada wasaaradihii kala duwanaa ee uu soomaray balse arinta ayaa la Xaqiijiyey in cida lahayd qorsheheeda uu yahay Agaasimaha guud ee isago hore shaqaale uga ahaa wasaaradan uu hada gaasimaha guud ka yahay.

Talaabooyinkan Oo u muuqda kuwa kooxiba Koox kagaga aargoosanayso wakhtiga ay jaaniska u hesho Awooda Shaadh xileedka Ayaa La kowsaday Intii uu talada dalka la wareegay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane muuse biixi cabdi, taas oo Badiba wasiirkii hore wasaarada maaliyada Somaliland Wakhtii uu magacaabay madaxweynuhu isku bedel balaadhan ku sameeyey wasaarada maaliyada taas oo keentay khilaaf qarka u saarmay inay xayiranto Shaqdii wasaaradu qaranka u haysay oo sababtay in madaxweyne muuse uu kormeer kadis ah ku tago  Xarunta wasaarada halkaas oo uu kulamo gooni gooni ah iyo dhegaysiyo kala duwan kula sameeyey masuuliyiintii Wasaarada, oo ay ugu horeeyeen labada masuul ee uu madaxaweynuhu usoo magacaabay Wakhtii uu Xilka la wareegay.

Isku Soo duuduuboo Arrintan oo ugub ku ah Nidaamka isku bedelka maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradaha ayaa bulshada qaybaheeda kala duwani si gaara faalooyin uga bixiyeen talaabadan ay ku dhaqaaqeen Masuuliyiinta wasaarada maaliyadu.

Waxaana Arrimaha Aadka Loo hadal hayo ay noqdeen Sida Dhammaan Maamulayaashii Kastamada dalka oo ah goobaha dakhli soosaaarka dalka ay hal mar xilalkii uga wada qaadeen maamulkii kastamada cashuuraha ee dalka iyadoo masuuliyiintaa xilalka laga qaaday aaney jirin xataa meelo kale oo loo bedelay balse la dhigay buulka ama lagu qoray xarumaha wasaarada, taas oo macneeyey inay jiraan xafiiltan  huwan awood oo masuulka ay kasoo fushay uu noqday Agaasimaha cusub ee Dhawaan xilka loo magacaabay Wasaarada Maaliyada.

Gabiley News Network.