Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Malaayiin Soomaali Ah Ay U Baahan Yihiin Gar-Gaar

Moqdisho (GNN):- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.5 Milyan ruux oo Somalia ah ay u baahan yihiin gargaar dhaqso ah, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii dayrta ee la filayay inay daโ€™aan.

Saraakiil ka tirsan hayโ€™adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa uga dhawaaqay Muqdisho shalay in cunno-yaraan baโ€™an ay jirto, iyagoo hayโ€™adaha samafalka ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo quudin lahaa dadka ay cunno laโ€™aantu saameynta ku yeelato.

Hayโ€™adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadka ugu nugul bulshada oo ay u badan yihiin barakacayaasha in si dhaqso ah loo caawiyo si looga foโ€™aado in nafaqo-darro iyo cudurro baahida ka dhasha ay ku dhacaan.

โ€œDhibaatooyinka laga baqdin qabo ayaa waxay ka dhasheen dib u dhac weyn oo ku yimid roobabkii dayrta ee la filayay inay daโ€™aan bilihii Oktoobar iyo December ee sannadkii hore 2018-ka, saameyntii ay reebeen abaarihii ku dhuftay Somalia 2016-kii iyo 2017-kii iyo colaadao meelaha qaar ka socda,โ€ ayaa lagu yidhi ย warbixinta hayโ€™adda badbaadada cunnada ee FSNAU oo ay hawl-wadaag yihiin Hayโ€™adda FAO.

Sidoo kale, Hayโ€™adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay sannadkan 2019-ka inay sii socoto kaalmada baniโ€™aadamnimo ee caalamku siiyo Somalia, si looga fogaado inay xaaladdu ka sii darto, waxaana kaalmada ka mid ah inay sii socoto gargaarka la siiyo beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo kalluumeysiga si ay uga faaโ€™iideystaan xilli roobaadka soo socda ee Guga oo lagu wao inuu billowdo Abriil 2019-ka uuna socdo illaa Juun 2019-ka.

Ugu dambeyn, Ma ahan digniintan middii ugu horreysay ee Hayโ€™adaha ka shaqeeya gargaarka ay aadanaha ay bixiyaan, waxaase horay diniino la mid ah kuwan u bixiyay hayโ€™ado kale oo samafal.

GABILEY.NET