Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Qandaraas Tvga Horn Cable Sheegay In Cid gaara La Siiyey iyo Xogaha ka Hooseeya Arrimahan.

Hargeisa(GNN):-Warbixin Xalay lagu baahiyey Telefishanka Horncable tv oo ku Saabsaneyd Qandaraas ganacsi oo lagu Sheegay In Sifo Qaldan oo lagu Xajiimayno Waji Qabyaaladeed Loo siiyey ganacsadaha Maxamed Aw Siciid oo kamida Ganacsatada reer Somaliland ayaa Salka ku Haya, kadib markii Mulkiilaha Faaco Company iyo Horn Cable tv Farxaan Xaaji Cali  uu ka cadoodhay Qandaraaskan oo uu markii hore isagu isu waday Qorshihiisuna ahaaa Sidii uu bulshada war qaldan ugu Gudbin lahaa.

Inta la ogyahay Mulkiilaha Horn Cable Tv oo Kamida Ganacsatada Reer Somaliland Oo Inta Badan Foodsaar uga Dhiga Uu Ku Difaaco Ganacsigii Telefishanka Horn Cable Tv ayaa Waxaa Xukuumadii Ka Horeeyey Xukuumada Madaxweyne muuse uu ka Qaatay Qandaraasyo kala duwan oo sifo Xaaraan ah oo aaney Jirin meelo lagu Shaaciyey iyo Gudi Qadaraas oo Baahisay lagu siiyey.

Waxaana kamida Qandaraasyada kala Duwan ee Ganacsade Farxaan Xaaji uu hadda gacanta ku hayo Ayaa Waxaa kamid

1- Makiinada Moorisa Raashinka Qamadiga ee Dalka Ethiopia Oo Dekeda Dhexdeeda lagu Cabeeyo jawaano islamarkaana Ganacsadahani Kooto ku haysto, iyadoo Qiimaha Mishiinkan halka jawaan loogu Dhufto ee laga qaadaana ay tahay 1$ oo u dhiganta 10000 shiling, halka Xamaaliinta hawshan u qabtaa ku leeyihiin kun shilin  (1000) oo Somaliland ah.

2-Qandaraaska labaad ayaa ah Ka Wakiilka uu u yahay hay’ada WfP oo Qaabilsan Rarista Raashinka ee Dalka Ethiopia, uu yahay masuulka u xilsaaran Hay’adan iyo Qabashada hawshan Waxaana intaa Dheer In Mulkiile Farxaan Xaaji Cali uu Si gaara u leeyahay Baabuurta loo yaqaan Isjiidka ee Qaada Raashinka Itoobiya oo ay Tiradoodu Dhantahay 20 Gaadhi.

Hadaba Arrimahan oo Salka Ku hayey Tuhuno uurkiisa ku Jiray Ganacsade Farxaan Xaaji Cali oo ka didsan Biyaha kashiisa ku Jira  ayaa Sababtay In Si Toosa Warbaahintiisa Gaarka  Lagaga Weeraro Ganacsade Aanu jirin Wax habayaraatee Qandaraas oo La Siiyey, taasi oo uu Waxba kama Jiraan iyo Been Abuur  cad Ku Timaamay Wasiirka Wasaarada maaliyada Jsl Mudane Sacad Cali Shire Oo Xafiiskiisa Saaka Shir Jaraa’id ku Qabtay Arrintaasina ay tahay mid Bulshada Lagu Khalkhal galinayo.

GABILEY NEWS NETWORK

HARGEISA SOMALILAND