Qaramada Midoobey Oo Sheegtay In Sucuudigu Is Hor Taagay Badhitaan Lagu Wadey Dilkii Wariye Khaashuqji

USA (GNN):- Sacuudi Carabiya ayaa “si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday” awooddii Turkiga uu ku baadhi lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.

Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baadhitaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay weriyaha.

Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.

59-jirkan ayaa waxa uu caan ku ahaa dhaleecaynta Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Sarakiisha Mareykanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sheegeen in howlgalka noocaas oo kale ah uu u baahnaa inuu ansixiyo Amiirka.

Hasayeeshee saraakiisha Sucuudiga ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in ninkaasi ay dileen koox aan “damiir lahayn” oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga oo aanan ku socon amarka Amiir Maxamed.

Xukuumadda dalkaasi ayaa waxa ay maxkamad soo taagtay 11 qof waxaana ay doonaysaa in shan ka mid ah la dilo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay diiday in ay Turkiga u gacangaliso muwaadiniinteeda kaddib markii dalku uu dhowr sarkaal oo Sucuudi ah u jaray warqadihii lagu soo xidhi lahaa.

GABILEY.NET