Waxa bishan Feb 21keedii 2019 ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, haweenayda
Monica Juma ay soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay xaraashkii ay isla
bishan Feb 7deedii 2019 ku xaraasheen maamulka Federaalka Soomaaliya shir ka
dhacay magaalada London ee Carriga Ingiriiska goobo lagu tuhmayo inay cegaagto saliid iyo gaas oo ay ku jirto xad badeed ay Kenya leedahay.
Haddaba waa maxay taariikhda xad badeedkan lagu muransan yahay?
Sida ay Monica Juma ku doodayso dhulkani waxa xadkiisa la jeexay oo la iskula meel dhigay heshiis 1924 dhex maray gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Heshiishkaasi wuxuu qeexayay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Xadkaasi wuxuu ka soo bilaabmaa saddex geesoodka ay ku kulmaan Etoobia, Kenya iyo Soomaaliya, wuxuu sii maraa webiga Dawa ee degmada Madheera ilaa uu ka gaadhayo badweynta Indiya isagoo sii dhex maraya degmada Lamu.
Si kale haddii loo dhigo wuxuu xadku kala qaybiyaa dhulka ay deegaan ahaan dadka
Soomaalida iyo muslimiinta kale ku badan yihiin ee woqooyiga Kenya oo dhan ah iyo
Soomaaliya oo dhan ah. Monica Juma waxa hadalkeeda ku jiray in 1964 ay Soomaaliya diiday inay aqoontaso xadkii ay dawladihii Afrikaanka ahaa ee xoroobayay ka dhaxleen gumaystayaashii Yurub.
Diiditaankaasi wuxuu salka ku hayay fekradii ay Soomaaliya ku doonaysay inay shantii gobol ee Soomaalida isku keento.
Waxay Soomaaliya sanadihii1963 ilaa 1967 Kenya ka dhex hurisay dagaalkii loogu magac daray dagaalkii Shiftada.
Waxay ahayd 1981 markii kaligii taliyihii Soomaaaliya ee Siyaad Bare uu ugu dambayntii ku xaqiijiyay bayaan uu ka soo saaray shir madaxeedkii ururkii Midawga Afrika inay Soomaaliya ka tanaasushay sheegashadii dhulka ay Kenya leedahay
Waxay intaa hadalkeedii ku dartay inay Soomaaliya mar labaad soo laba kaclaysay markii ay 2014 dacwad dhul sheegasho ah u gudbisay Maxkamada Caalamiya ee Magaalada Heyg.
Damaca cusub ee Soomaaliya Waxaa is weydiin leh waxa Soomaaliya damac uga galay xad badeedka ee ay xadka intiisa dhulka ah uga maagtay. Jawaabta meel dheer ha ka raadin. Soomaaliya waxay halgan ugu jirtaa in khayraadka dhulka dadka Soomaalida oo dhami degaan ay Muqdhisho isugu keento.
Sida ay Soomaaliya aanay u aqoonsanayn xadka ay la wadaagto Kenya, ayaanay u
aqoonsanayn xadka ay wadaagto Somaliland.
Waxase hubaal ah inay Soomaaliya sheegashadani faraka kaga guban doonto. Durtaba awladda Kenya tallaabooyin cabsi geliya madaxda Soomaaliya ayay qaaday. Taasina waxay keentay aamustaanta siyaasiyiinta Soomaaliya.