Sanaag(GNN):-Guutooyin ka Tirsan Ciidamada Qaranka jsl ayaa maanta galabtii ka ambo baxay gudaha magaalada ceerigaabo halkaasi oo uga jahaysteen deegaanka ceel afweyn oo dirir soo noqnoqtay ku dhexmaraysay laba beelood oo wada deegaanka.
Waxaana la aaaminsan yahay in Qorshaha ciidamda Kasoo baxay magaalada Ceerigaabo ay Amaro Culus ka helayaan Taliska Ciidamda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo maanta inta la ogyahay madaxweynuhu isugu Yeedhay dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee somaliland kalana hadlay Arrinta ceelafweyn sidii looga hawl gali lahaa.