Ceel Af Wayn waa magaalo muhiim ah deegaan ahaan iyo dad ahaanba dadkeeda iyo iyadubana waxay mudanyihiin inay nabad helaan dhiig iyo xabbadna ay ka nastaan mar walba oo dadku is dhahaan waad nasateenna dagaal aan ujeedadiisa la garaneynin ayaa qarxaya ka dibna qax iyo dhibaato ayuu dhalaa.
dadka magaalada daggan garasho iyo daacadnimoba kuma yara oo soomaali ayey la wadaagaan waxaasne is weydiiyaa tolow caqli aan aheyn in la isdilo ma la waayay? si kale oo wax lagu xalliyose maiyaa laga quustyy?.
dagaal walba oo dhaca dad iyo hanti badan buu lumiyaa cid lib lagu naalloon karo ka gaadhana ma jirto taariikh ahaanna ceeb ayuu ka tagaa oo qof hadhow ku faani doona anigaa dagaalkaas huriyay iyo dad baan laayay ma jiro ee qof walba wuxuu jeclaan lahaa inaan lagu soo qaadin oo aan lagu eedeynin inuu ku lug lahaa ama gacan ka geystay.
waxaan is leeyahay maanta waa la gaadhay xilligii nabad waarta Ceel Afwaun looga saldhigi lahaa bulshada iyo siyaasiyiinta wax qasaya laftooduna maanta way u bislaadeen inaan walaalnimo iyo wax wadaag xal ka fiican la soo heli doonin, sidaas dareteed wax garadka iyo sama ka taliska waxaa maanta la gudboon inay u weel qaadaan sidii walaalaha is diliya gacanta la isugu saari lahaa nabad iyo wada noolansho waarana loo gaadhi lahaa.
Qalinkii C.wahaab Maxamed Mawliid