Saraakiisha Xabsiyadda ee dalka Iran ayaa xaqiijiyey in Nin u dhashay Iiraan, balse haysta Dhalashadda dalka Kanada uu ka baxsaday Xabsigii uu ku xirnaa.
Ninkaasi waxaa horey loogu xukumay Xabsi Daa’im, kadib, mrakii lagu helay isagoo ka hawlgalaya Websayt lagu faafayo Anshax-xumadda, kaasi oo mamnuuc ka ah dalkaasi iyo guud ahaan Dunida Islaamka.
Ninka ka baxsaday Xabsiga Iiraan oo lagu magacaabo Saciid Malekbuur oo 44-jir ah waxaa la sheegay inuu ka faa’ideystay waqti kooban oo laga sii daayey Xabsiga.
Waxaana u suurto-gashay inuu dalka Iiraan si qarsoodi ah uga ambabaxo, wuxuuna so hadlay markii uu tegay dalka Kanada oo u uka haysto Deganaansho Joogto ah.
Afhayeenka Hay’addaha Garsoorka Iiraan, Qulaam Xuseyn Ismaaciili waxa uu xaqiijiyey baxsadka Ninkaasi oo qaabab aan rasmi ahayn ku baxay, isla markaana uusan dib u soo laabanin.
Waxa uu tilmaamay in Ninka naxsaday la siiyey 3 maalmood oo faxas ahaa bishii July 20-da, balse aan soo labaanin dhamaadka bishaasi