Daawo :-Wasiirka Biyaha Oo Bulshada Gabiley iyo Wajaale Uqabtay Dood Ay Kaga Doodayaan Cida Maamulaysa Ceelasha Biyaha Ee Deegaanka Botor,

Gabiley(GNN)Wasiirka Wasaarada Hormarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Ayaa Kulan Balaadhan Magaalada Gabiley Ugu Qabtay Qeybaha Bulshada Magalooyinka Wajaale Iyo Gabiley Maamulka Gobolka Iyo Degmooyinka Wajaale Iyo Gabiley,Waxa Sido kale Kulankan Kaso Qeybgalay Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland,Ujeedada Kulanka Ayaa Ahayd In Bulshadu Fikirkooda Iyo Rayigooda Kaga Doodaan In Adeega Biyaha Ay Gacanta Ku Hayso Dawladu Iyo In Shakhsiyaad Amaba Shirkado Gaar Loo Leeyahay Lagu Wareejiyo,Sido Kale Kulanka Waxa Lagaga Doodayay In Masuul Kaliya Lagu Wareejiyo Maamulka Ceelasha Biyaha Ee Ay Ka Cabaan Bulshada Gabiley Iyo Wajaale Oo Hada Laba Maareeyeleh,Bulshada Ayaa Soo Bandhigay Doodo Ku Saleysan Siday Ula Muuqato Qodobada La Naaqishayay Iyagoo Tilmaamay In Markasta Ay Muhiim Tahay In Gobolka Gabaley Loo Qodo Ceel Biyoodyo Maadama Ayna Kaafinaynin Ceelasha Hada Laga Cabo Loona Baahanyahay Talooyin Lagu helayo Biyo Bulshada Ku Filan,Dhamaan Masuuliyiintii Madasha Ka Hadlay Ayaa Iyagu Tilmaamay Fikirkooda Iyo Siday Iyaga Ula Muuqato Qodobada Laga Doodayay,Ugu Danbyntii Wasiirada Hormarinta Biyaha Iyo isgaadhsiinta Somaliland Ayaa Ka Hadlay Natiijada Kaso Baxday Doodoha Bulshada Ee Lagu Hormarinayo Laguna Balaadhinayo Adeega Khayraadka Biyaha Ee Gobolka Gabiley,
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI
GABILEY.NET