INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Shacabka Magaalada Wajaale Waxa Tacsi Tiiraanyoleh Udirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta Bulshada Gobolka Gabiley iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Dhexe Daahir Muxumad Cige (daahir yare ) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 7/8/2019, Dalka Malaysia Oo Uu Ujoogay Xaalad caafimaad,Gudoomiyaha Ayaa Marxuumka Ku Tilmaamay Halyay Qaran Oo Ka Baxay Qaranka Gudoomiye Mursal Nuux Cismaan Ayaa Yidhi
”Allah u naxariistee waxa uu allah oofsaday maalmo khayr badan oo carafo Soo Galayso Taasina Waxey Cadeynasaa In Uu Marxuumku Ahaa Qof Muumina Oo Salaad Xafida Naxariis Badan Oo Bulshada Caawin Jiray, Waxa Lagu Xasuustaa Marxuum Gaashaanle Dhexe Dahir Muhumed (Dahir Yare) In Uu Ka Mid Ahaa Halyayadii Dhidibada Utaagay Gooni Isku taaga Somaliland.Wuxu Ahaa Mujaahidiintii Dalkan Iyo Dadkan Naftooda Usoo Huray Ee Soo Hooyay Nabadaa Iyo Badhaadhaha Aynu Maanta Ku Naalooneyno.Wuxu Ahaa Dadka Farakutiriska Ah Ee Caanka Ku Ahaa Dal Jaceylka Xoojinta Hanaanka Lagu Taabagaliyay Qarankan Aynu Hadhsaneyno Ee Jamhuuriyada Somaliland,
Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Kana DHigo Marti La Jecelyahay Kitaabkiisana Midigta Uga Dhiibo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Iyo dhammaan , shacbiga Reer Somaliland Waxaan Illaahay Uga Baryaynaa In Illaahay samir iyo iiman Saadiqa ka siiyo dhamaantiin ba .
marxuunku waxa uu ahaa taliye ku xigeen ciidanka booliska Ee Qeybta Gobolka Gabiley isla mar kaana waxa uu ahaan jiray halgamagii 1982 oo waxa uu ku jiray jabhadii ugu horaysay ee la odhan jiray Jabhadi 4aad waxa uu hawlgalo la taaban karo ka soo fuliyay wadanka oo dhan waxa kale oo uu ahaa masuul qaran oo ka baxay umada somaliland
waxa uu ahaa qof ehelli cibaada ah Allaah u naxariisto AAMIIN AAMIIN AAMIIN .