Dilaagii jacaylka adeegsaday ee moodayay ‘inaan looga daba tagi doonin’

Ben Field waa eedeysane wajahaya xukun xabsi daa’in ah, kaasoo uu ku muteysanayo fal dil ah oo loo maxkamadeynayo, balse wuxuu dilaagan aaminsanaa inuu baxsan doono.

Is agoo fadhiya qeybta dambe ee gaariga booliska ayuu yiri: “Waxay ila tahay inaan ka baxsan doono inta badan dambiyada la ii heysto”.

Ninkan wuxuu sasabtay labo qof oo daris ah isla markaana kaligood ah, isagoo midkood dilay, kan kalena si sharci darro ah lacag uga qaatay.

Field oo hadda 28 jir ah ayaa markiisii hore lagu yaqaannay inuu ahaa qof naxariis badan oo diinta masiixiga ku fiican, wuxuuna aabihiis kala shaqeyn jiray kaniisadda.

Laakiin markii dambe wuxuu guda galay qorshe khiyaano ah oo uu ku raadinayay hanti.

Mark Glover, oo hoggaaminayay baaritaanadii ay booliska ku sameeyeen eedeysanahan ayaa sheegay in markii hore uu ahaa nin xun, xitaa haddii uu wanaag muujin jiray.

Mr Field oo kasoo jeeda magaalada Olney ee dalka Ingiriiska ayaa lagu helay fal dambiyeed dil ah iyo dhachanti, ka dib markii uu dhageysiga dacwaddiisa socday 10 isbuuc.

Booliska ayaa ku qeexay inuu yahay “Nin sheydaan ah oo khiyaano badan”.

Sida uu jacaylka ugu adeegsaday dhibaneyaasha

.

Maxkamadda kiiska gacanta ku heysay ayaa loo sheegay in ninkan uu bartilmaameed ka dhigtay 2 qof oo kala daggan guryo dhowr tallaabo isu jira, oo ku yaalla xaafadda Maids Moreton ee ka tirsan ismaamulka Buckinghamshire.

Mid ka mid ah dadkaas wuxuu ahaa Peter Farquhar, oo 69 jir ah, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadda Buckingham, halkaasoo uu Field ka baran jiray luuqadda Ingiriiska.

Qofka kalena waa Ann Moore-Martin, oo 83 jir ahayd, horayna u ahayd macallimad howlgab noqotay.

Labada qofba waxay ahaayeen dad diinta dhankeeda u janjeera, iskaabulo ah, wax carruur ahna aan dhalin.

Wuxuu rabay inay dhaxalkooda ku qoraan markii uu jacayl badan ku abuuro.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay inuu Field labadoodaba saaxiib la noqday, uuna u muujiyay jacayl faro badan.

Waxay gaareen heer ay wehel ka dhigtaan, farxad aad u bandanna ka helaan.

Laakiin ujeeddadiisa dhabta ah waxay ahayd inuu hantidooda gacanta ku dhigo, dhowr sano ayuuna howshan waday.

.

Si uu Field u dhaxlo hantida badan ee uu lahaa Farquhar, waa inuu marka hore dhinto odaygu.

Haddii uu damco inuu dilana, waa inuu u ekeysiiyo shil ama qof isagu isdilay.

Sidaas awgeed, wuxuu mar walba raashinka iyo shaaha ugu dari jiray daroogooyin, kuwaasoo Mr Farquhar, ka dhigi jiray qof aad u daallan oo isku dhex yaacsan.

Ka hor inta uusan dhimanin ayuu saaxiibbadiis u sheegay inuu dhibaato badan mari jiray habeenkii, isagoo hurdana uu socon jiray.

Balse Field wuxuu diyaariyay wax uu ku tilmaamo xaaladda Mr Farquhar.

Wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu odaygu muddo xanuunsanaa, uuna khamriga u cabi jiray si xad dhaaf ah.

Intii ay maxkamaddu socotay, Field wuxuu garsooreyaasha hortooda ka qirtay inuu daroogo halis ah siin jiray odayga, maadaama uu habeen walba saqda dhexe soo kici jiray, hurdadana uu ka qasi jiray.

Ninkan ayaa labada dhibane u adeegsan jiray farsamooyin uu maskaxdooda ku qasayo, si ay xasuustooda u lunto.

Mararka qaar wuxuu qolalka ka saari jiray alaabta, markii ay ka waayaanna dib ayuu ugu soo celin jiray, isagoo u sheegaya inay horayba usii yaalleen.

Bishii Ockotoober ee sanadkii 2015-kii ayuu geeriyooday Mr Farquhar.

Meydkiisa waxaa arkay qof guriga hagaajinayay, waxaana dhiniciisa taallay dhalo khamri ah oo haaf ah.

.

Intii uusan dhimanin ka hor ayuu baddalay dardaarankii dhaxalkiisa, wuxuuna Field ku qoray gurigiisa iyo hantidiisa kaleba.

Dhinaca kale, Mr Farquhar wuxuu isbaray Field iyo Miss Moore-Martin.

Laakiin Field isla sidii oo kale ayuu ula dhaqmi jiray haweeneydaas, ka dib markii uu qalbigeeda ku hantay jacayl.

Inkastoo ay da’dooda u dhaxeysay 57 sano, haddana waxaa la sheegay inay xiriir dhinaca gogosha ah isla wadaageen.

Mar walba oo uu lacag u baahdo, wuxuu u sheegi jiray been, wuxuuna ku khasbi jiray inay bangiga wacdo, una fasaxdo lacagta.

Mar waxay ku wareejisay £4,400, mar kalena waxay siisay in ka badan £27,000.

.

Ugu dambeyn wuxuu ku guuleystay inay baddasho dardaaranka dhaxalkeeda.

Sanadkii 2017-kii, Miss Moore-Martin way xanuunsatay, waxayna isbitaalka dhexdiisa gabar ay habaryar u tahay ugu sheegtay nooca uu ahaa xiriirka ka dhaxeeyay iyada iyo Field.

Waxaa dhashay shaki, isla markiina booliska ayaa baaritaan billaabay.

Anne-Marie Blake ayaa maxkamadda u sheegtay in habaryarteed intii aysan dhimanin ka hor ay ogaatay sida uu u khiyaanay Field, ayna baddashay dardaaranka dhaxalkeeda, si ay hantideeda dib ugu celiso qoyskeeda.