Dawlada UK Oo Beenisay War ay Iran ka Baahisay Markab Laga Qabsaday.

Dawlada UK ayaa beenisay inay siidaynayso markab ay ciidamadeeda ka qabteen Irana, kadib markii ay waaxda dekadaha Iiraan ay sheegtay in Ingiriisku ay is dhaafsadeen macluumaad la xidhiidha sii deynta Markab shidaal oo hore looga qabsatay.

Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku waajahnaa wadanka Suuriya.

Guddoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo salaasa ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 islamarkaana ay rajo ka Qabaan, waxa uuna intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin.

Dowlada UK ayaa beenisay siidaynta markabkaasi, iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday millatariga Suuriya.

Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in ayna sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan.