Dalka Masar Cadho ka dhalatay muuqaalo lagu baahiyay baraha kuwaas oo muujinayay nin laga helay xanuunka Aidska oo xoog looga saarayo isbitaalka isaga oo ay lugaha jiidayaan qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalku.
Saraakiisha Masar ayaa balan qaaday inay baadhayaan dhacdadan sababtay cadhada dadwaynaha, oo ka dhacday Isbitaalka ayaa ku yaalla deegaanka Gharbia.
Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa sheegtay in shaqaalaha Isbitaalka lagala xisaabtamayo dhibaatada loo geystay bukaankaas xaladda caafimaad u tagay halkaas.
Sikastaba ha ahaatee bukaanada qaba cudurka Aids-ka ee kunool Masar ayaa had iyo jeer takoor kala kulma bulshada, taasoo ay dawladu ka gaabisay inay waxka qabato.