Ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Celta Vigo, tababaraha Real Madtid Zinedine Zidane ayaa si weyn u amaanay Gareth Bale waxaana uu sheegay inuu haatan kooxda ku sii negaan doono.
Intii ay kooxda ku jirtay kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga, tababare Zidane ayaa sheegay inay fiicnaan laheyn “inuu berriba baxo” laakiin ka dib markii uu maanta qaab ciyaareed fiican soo bandhigay islamarkaana Real Madrid ka caawiyay guushii Celta Vigo, waxa ay u muuqataa inuu mustaqbal ku leeyahay kooxda reer Spain.
“Bale waa uu sii joogayaa kooxda” ayuu Zidane u sheegay suxufiyiinta. “Qof walba oo aan heysano waa uu ina caawin doonaa.
“Waa inaan diirada saarno xilli ciyaareedka, wax kale ma jiraan. Dhaawaca Eden Hazard waxay nagu aheyd nasiibdarro, laakiin waxba kama aysan bedelin fekerkii aan k qabnay Bale ee aheyd inuu kulankaan ku soo bilowdo.
“Gareth Bale, James Rodriguez iyo qof walba oo halkaan joogo waxa ay u difaaci doonaan maaliyadaan sida ay u qalanto.”
Luka Modric ayaa casaan la siiyay ka dib qaladkii uu ku galay Denis Suarez, inkastoo ay Real Madrid 10 xiddig ku ciyaareysay qeybtii labaad hadana waxa ay sii dhaliyeen labo gool kale.
“Waxaan ciyaarnay ciyaar tartan leh bilowgiiba” ayuu yiri Zidane. “Waxaana sii wadnay markaan 10 ciyaaryahan aheyn. Waan u rafaadnay natiijada aan helnay.
“Vinicius iyo Gareth Bale si fiican ayay sameeyeen marka ay timaado difaacashada kubada si la mid ah Lucas iyo Isco.
“Difaacasho ahaan aad ayaan u fiicneyn, ka dibna waxaan ogaanay waxa aan sameyn karno marka aan heysano kubada.
“Waan qanacsanahay waana faraxsanahay. Ma jiraan kooxo badan oo halkaan yimaada oo badiya.
“Waan faraxsanahay ka dib kulamadii saaxiibtinimo oo nagu adkeyd dhanka natiijada laakiin shaqo aahan noo fiicneyd.
“Waxa ugu muhiimsan waa tartanka.”