Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Toogasho ka Dhacday Maraykanka.

Ugu yaraan shan ruux ayaa geeriyootay 21 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalooyin ku yaal gobolka Texas ee Maraykanka,sida ay booliska sheegeen.

Nin dabley ah oo baabuur watay ayaa isagoon u kala aabo-yeelayn rasaas ku furay dad joogay dhanka galbeed ee magaalooyinka Odessa iyo Midland.

Boolisku waxay sheegeen in ninka falkaa geystay ahaa nin cadaan ah oo isna toogasho lagu dilay, laakiin waxa jira warar kale oo sheegay in ay dabley kale baxsadeen oo lagu raad joogo.

Boolisku waxay intaa ku dareen in ilaa haatan aan la ogaan sababta ay dableydaasi dadka u toogteen.

Toogashadani waxay dhacday afar toddobaad uun ka dib markii nin dabley ahi magaalada kale ee El Paso oo ku taal isla gobolka Texas uu toogasho ku dilay 22 qof 24 kalena ku dhaawacay.