Xuutiyiinta oo ku eedeeyay Sacuudiga in ay duqeeyeen xabsi

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa waxay sheegeen in 60 maxbuus ay ku dhinteen duqeyn ay isbahaysiga sacuudiga ay fuliyeen.

Duqeyntan ayaa sida ay sheegeen Xuutiyiinta ka dhacday magaalada ku taalla koonfur galbeed Dhamar.

Ma jira warar madaxbanaan oo xaqiijinaya tirada qasaaraha ee ay shaaciyeen kooxda Xuutiyiinta

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in magaaladaasi ay gilgileen 6 duqeyn oo xalay halkaasi ka dhacay.

Isbahaysiga sacuudiga ayaa waxay sheegeen in ay duqeeyeen islamarkana ay burburiyeen saldhig ay diyaaradaha dharooniska iyo gantaalada.

Isbahaysiga ayaa taageera dowladda yemen iyo dagaalka ay kula jirto Xuutiyiinta.

Isbahaysiga sacuudiga ayaa waxa ay si ku dhawaad maalin walba ay fuliyaan duqeymo .

Xuutiyiinta ayaa dhanka waxa ay gantaalo ku garaacaan magaalooyiinka ku yaalla xuquuda Sacuudiga.

Duulaanka isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa ka socday Yemen muddo 4 sano ah.

Xuutiyiinta ayaa wali haysta dhul badan oo ku yaala gobolka kala duwan oo Yemen ah.

Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay sacuudiga ku furmay aag kale oo dagaal ka dib markii kooxaha gooni u goosadka reer Koonfureedka ay al wareegeen magaalada Cadan.

Kooxda gooni u goosadka ayaa waxay doonayaan in madaxbanaani la siiyo Koonfurta Yemen.