Maxaa sababay ‘in la furo naxashkii uu ku jiray meydka DJ Carafaat, oo kafanta laga furo’?

Qaar ka mid ah taageerayaasha fannaanka geeriyooday ayaa lagu soo warramay inay ku xoomeen naxashkii uu meydkiisa ku jiray, ayna fureen.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uuu qalalaase hareeyay aaskii Dj Carafaat loogu sameynayay magaalada Abidjan ee waddanka Ivory Coast.

Fannaanka 33 jirka ahaa, oo magaciisa runta uu yahay Ange Didier Huon, ayaa ku geeriyooday shil mooto oo dhacay horaantii bishii Agoosto.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada ayaa laga arkayay taageerayaashiisa oo furaya naxashiiskii uu meydka ku jiray, iyagoo ka furay kafanta, si ay u hubiyaan calaamadihii shaabadaha ahaa ee jirkiisa ku yaallay.

Dadka sidaas sameynayay ayaa shaki ka qabay in qofka dhintay uu yahay fannaanka ama inuu yahay qof kale.

Qalalaasaha ayaa billowday markii ay kumannaan qof isugu tageen tacsida Dj Carafaat.

Maalintii Sabtida ahayd ayaa la qabtay munaasabad aad u weyn oo lagu sharfayay fannaaka, ka hor inta aan la aasin.

Booliska ayaa ku khasbanaaday inay adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay xasiloonida ugu soo celiyaan tacsida oo ahayd mid khaas u ah qoyska fannaanka geeriyooday.

“Waxaan rabnay inaan aragno meydka fannaankeenna aan jecelnahay, ka hor inta aan qabriga la galinin”, waxaa sidaas yiri qof aan magaciisa la shaacinin oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

.

DJ Carafaat ayaa ka mid ahaa fannaaniinta loogu jecelyahay qaaradda Afrika, waxaana lagu qeexi jiray inuu yahay “boqorka” heesaha loo yaqaanno coupé-décalé(jar oo carar), taasoo ah nooc qoob ka ciyaar oo laga yaqaanno dalka Ivory Coast.

Wuxuu wax badan kusoo kordhiyay labiska lagu qaado heesaha, arrintaas oo si weyn loogu jeclaa.

Hase ahaatee, ka sokoow fannaannimadiisa, Dj Carafaat ayaa lagu yaqaannay inuu ahaa nin uu muran badan noloshiisa hareeyo, waxaana marar badan lagu eedeeyay inuu tacaddiyo ka geystay qoyskiisa dhexdiisa.

.

Fannaankan ayaa 2 sano oo isku xigta, oo kala ahaa 2016-kii iyo 2017-kii ku guuleystay abaal marinta fannaanka sanadka ee loo yaqaanno Coupé-Decalé