Mayarka Boorama Oo ka Waramay Ujeedada Safar ay ku Joogaan Dalka Uganda.

Wafdi ka uu hogaaminayay gudoomiyaha hayada shaqaalaha Somaliland ayaa maalmihii u denbeeyay ku sugnaa magalada Kampala ee dalka Uganda,waxaana ujeedada safarkooda lagu sheegay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo waayo aragnimada shaqaalada dawladaha hoose ee Somaliland.

Safarka wafdigan ayaa waxaa qayb ka ahaa Mayarada magaalada Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xadi waxana uu isaga uu ku sugan Uganda u xaqiijiyay shaadada waxyaabaha ay ku hawlan yihiin inta ay joogaan Kampala.

“Hawlo shaqo ayaan todobaadkan u joognay magaalada Kampala waxana dulucdu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta ururada dawladaha doose ee Somaliland iyo Uganda, islamarkaana aan u heli lahayn deeqo waxbarsho oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dawladaha Hoose ee dalka”

“Waa talaabo wanaagsan iyo safar midho dhal ah, waxa aan soo min guurin doonaa waayo aragnimo salka ku haysa hormarka dhinaca dawladaha hoose ah ee ka jira Uganda, sidoo kale waxa aan ku kordhin doonaa waayo aragnimada aan dheer dhahay, waxana aan rajaynayaa in guulaha aan ka soo hoyno safarkan ay wax badan ka tari doonto adeegyada ay bixiso dawlada hoose ee Boorama iyo dawlaha hoose ee dalka guud ahaan”

Si kastaba ha ahaatee Maayar Saleebaan ayaa waxa uu sheegay in Gudoomihaya hayada Shaqaalaha dawlada Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haye oo hogaaminaya wafdigan in uu Dawlada Uganda uga mahad celiyay martiqaadka ay ka heleen, waxana uu intan ku daray in Gud. Farxaan uu ku hawlan yahay sidii dhigooda (Hayada Shaqalaha) ee dalka Uganda ay uga wada hadaayeen sidii shaqaalaha Somaliland loogu diri lahaa macadka tababarka Shaqaalaha dawlada ee Uganda loona midayn lahaa Machadyada tababarada shaqaalaha ee Somaliland iyo Uganda.

Safarkan ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimayaasha arimada gudaha iyo hawlaha guud ee Somaliland iyo Mayarada degmooyinka Berbera, Sheekh Laascaanood iyo Boorama, kuwaasoo uu horkacayay gudoomiyaha hayada shaqaalaha Somaliland.