Tuulooyin ay daganaayeen Muslimiinta Rohingya oo cagta la mariyay

BBC-da ayaa ogaatay in xaafado dhan oo ay daganaayeen Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar la burburiyay lagana dhigay saldhig boolis iyo xeryo qaxooti.

Booqasho ay soo qabanqaabisay dowladda ayaa BBC-du waxaa lagu tusay afar goobood oo laga dhisay saldhigyo boolis balse marka la fiiriya sawirro horay dayax gacmeed loogu qaaday la arki kara inay ahaayeen goobo ay dagan yihiin Muslimiiinta Rohingya

Masuuliyint dowladda ayaa beeniyay inay burburiyeen tuulooyinkanku yaalla gobolka Rakhine.

Sanaddii 2017, in ka badan 700,000 oo qof oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya ayaa isaga cararay gobolkaasi xilli uu socday howlgal milatari.

Qaramada Midoobay ayaa tacaddiyada lagu haya bulshooyinkaasi ku tilmaanatay isir sifeyn nidaamsan, balse dowladda ayaa beenisay eedaymahaasi.