Daawo :-Tuug Qasri Ku Yaala Ingiriiska Ka Xaday Fadhi Suuli Dahab Ka Samaysayn

Rag tuugo ah ayaa fadhiga suuliga ee lagu fariisto oo 18-carat ah ka xaday qasriga Blenheim ee Ingiriiska ku yaal.

Sida ay booliisku sheegeen rag budhcad ah ayaa u dhacay qasriga Oxfordshire markay saacaddu ahayd abbaaro 04:50 BST waxayna xadeen waxyaabihii ku xardhanaa suuligaas oo fadhigii uu ka mid yahay.
Waxaa wali la la’yahay fadhiga suuligaas, oo inta badan lagu soo dhawayn jiray dadka martida ah – balse waxaa arrintaas loo xiray nin 66 jir ah.

Ragga budhcadda ahi waxay gaysteen “waxyeello aad u weyn iyo in gurigii ay biyo ku fatahaan” waayo suuligu wuxuu ku xidhiidhsanaa dhammaan tuubooyinka guriga.

Gurigan weyn ee la dhisay qarnigii 18aad ayaa ah dhaxal taariikhi ah oo caalami ah waana halkii uu ku dhashay mudane Winston Churchill. Gurigan ayaana haatan la xiray si baadhitaan loo sameeyo.

Dadka martida ah ee bandhigyada halkaas u yimaada ayaa adeegsan jiray suuligan, ayadoo qof kasta uu la helaa saddex daqiiqo oo uu ku galo suuliga si dadku aanay saf dheer u gelin.

Det Insp Jess Milne, ayaa yidhi: ” gabalkaan yare e la xaday waxa uu ku fadhiyey qiimo aad u badan kaas oo lagu soo dhawayn jiray martida timaadda qasriga.

“Waxaan rumaysannahay in koox dambiileyaal oo isticmaalayey ugu yaraan laba gaadhi ay falkan geysteen.
Madaxa fulinta qasrigaas, Dominic Hare, ayaa sheegay in ay ” ka naxeen dhacdadaan aan caadiga ahayn, balse farxadgelisay in cidina aanay waxyeello soo gaarin”.

Ninka kiiskan u xiran ayaa wali ku jira gacanta booliiska.