Warka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa sheegaya in hal qof oo dumar ah ay ku geeriyootay magaaladaasi, kadib markii uu soo dhacay Taawarada laydhka ee shubka ka sameeysani.
Taawarkan galaaftay nolosha Haweenaydan ayaa waxa uu ku hor yaalay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Daaroole, ee magaalada Berbera.
Haweenaydan geeriyootay ayaa waxay haysatay 7-caruur ah, kuwaasi oo dhamaantood wada jiifay banaanka guriga ay ka daganaayen magaalada Berbera, xiliga uu Taawarku ku soo dul-dhacayey.
Magaalada Berbera ayaa waqtiyadan oo kale waxa saa’id looga dareema kulayl, midaasi oo sababtay in hooyada iyo 7-caruurta ahba ay jiiftan guriga ay daganaayen hortiisa, inkastoo oo Taawarka laydhku uu haleelay hooyada ciyaalka, halka caruurta aanu waxba yeelin.
Ilaa iyo hadda ma cada in Taawarka laydhku uu si caadi ah u soo dhacay ama in xadhka laydhka ee saarna uu gaadhi jidhay, taasina ay sababtay inuu Taawarku soo jabo, isla markaana uu ku dul dhaco haweenayada hooyada ah
.Mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka oo ku aadan geerida naxdinta leh ee ku timid hooyada haysatay 7-da caruurta ah.